Xadiis
Cibaadada
Mahad oo idil Eebaa leh, naxariis iyo nabad gelyona Eebe Nabi Muxammad korkiisa ha yeelo, intaas ka dib; Ilaahay kor ahaaye isaga oo keliya ayaa adduunka abuuray: Cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, geedaha iyo xooluhuba waxay ka mid yihiin uunka Alle. Ilaahey kor ahaaye si gaar ah ayuu dadka u abuuray oo wuu ka dway xoolaha iyo dugaagga duur joogta ah, wuxuuna u yeelay qaab iyo muuqaal wanaagsan, intaa waxaa dheer inuu ka yeelay mid caqli iyo cilmiba leh. Maxaa dadka loo abuuray? Ilaahay wuxuu dadka u uumay inay keligii caabudaan Alle kor ahaaye wuxuu yiri.
(وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون) الداريات: 56
Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma uumin. Waa maxay Cibaadadu? Cibaadadu waa fal kasta oo Eebe loogu dhawaado, Eebana jecel yahay kaasoo daliilkiisu ku sugan yahay Quraanka iyo Sunnada Nabiga sida; Salaada, Soonka, Sakada, iyo Xajka.
Dad farabadan ayaa Eebe ku gaaloobay weyna beeniyeen ama diintiisey diideen iyagoo caabudi qaar ka mid ah uunka Alle sida; Sanamka, Dhagaxa, Dabka, Biyaha, Geedaha, Jinniga, Insiga, Qorraxda, Dayaxa iwm.
Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday gaalada iyo waxay caabudeen inuu naarta ku shidi qiyaamada wuxuuna yiri:
(إنكم وما تعبدون من دون الله حصب جهنم أنتم لها واردون)
الأنبياء: 98
Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo haray waxaydin noqon shidaalka jahannamo idinkuna waad ku arooreysaan. Gaalnimadu waa dambiga ugu weyn Alle horti, Cabdullahi bin mascuud Allaha ka raali noqdee wuxuu weydiiyey dambigee ugu weyn? Markaasuu yiri naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee:
(أن تجعل لله ندا وهو خلقك) متفق عليه
Inaad Alle u shariig yeesho isagoo keligii ku uumay.
Marar badan isagoon qofku ujeedin inuu Eebe ku gaaloobo ayey dhacdaa inuu Alle ka dheeraado ama ku gaaloobo tusaale; hadduu qofku jeclaado adduun iyo xoolo iyo caruur iskana halmaamo Alle iyo diintiisa iyo cibaadadiisa.
Haddaba waxaa habboon in qofka muslimka ah uu jeclaado Allihii uumay uguna nimceeyay nimcooyin fara badan iyo diintiisa iyo nabigiisa kana digtoonaado gaalnimo, Anas Allaha ka raali noqdee wuxuu ka weriyay Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri:
(ثلاث من كن فيه وجد حلاوة الإيمان: أن يكون الله ورسوله أحب إليه مما سواهما، وأن يحب المرء لا يحبه إلا لله وأن يكره أن يعود في الكفر بعد أن أنقذه الله منه كما يكره أن يقذف في النار) متفق عليه.
Saddex sifadood qofkii laga helo wuxuu dareemaa macaanka iimaanka; 1: Inuu cid walba ka jeclaado Eebe iyo Rasuulkiisa. 2: Inuu qofkuu jeclaanayo Alle oo keliya dartii u jeclaado. 3: Inuu naco inuu gaaloobo ka dib markii Alle ka badbaadiyey gaalnimo siduu u neceb yahay oo kale in naarta lagu tuuro.
Shuruudda lagu aqbalo cibaadada
A) Iimaanka; Inuu qofku rumeeyo Ilaahay, ogaadana in Alle oo keliya xaq u leeyahay cibaadada Ilaahay wuxuu yiri:
(والعصر إن الإنسان لفي خسر إلا الذين أمنوا وعملوا الصالحات) العصر.
Eebe wuxuu ku dhaartay waqtiga casarka ah in dadku khasaaro kusugan yahay marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay.
B) Ikhlaaska; Inuu qofku Alle cibaadada u saafi yeelo kana fogaado istustus iyo ismaqashiis Ilaaheyna wuxuu yiri:
(وما أمروا إلا ليعبدوا الله مخلصين له الدين) البينة: 5
Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Eebe diinta.
C) Raacida Sunnada; waxaa waajib ah in qofka muslimka ahi uu kaga daydo cibaadada iyo akhlaaqda (dabciga wanaagsan) Nabiga oo keliya kana fogaado bidcada iyo firqooyinka ka leexday tubta toosan ee Nabiga kuwaasoo neceb Sunnada Nabiga camalkoodana lama aqbalo ee iyagaa dib loogu celin. Caaisha Allaha ka raali noqdee waxay tiri; Rasuulka Alle naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد) البخاري ومسلم.
Qofkii ku soo derriya diinteena waxaan ka mid ahayn isagaa dib loogu celin. Taasi waxay daliil u tahay inaan diinta waxna lagu kordhin ama dhimi karin.
Sidaa awgeed waxaa ku waajib ah qofka muslimka ah inuu diintiisa barto kadibna uu raaco kitaabka iyo sunnada waayo Ilaahay kor ahaaye wuxuu faray addoomadiisa wanaagsan iney ku daydaan Rasuulka naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuuna yiri:
(لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر وذكر الله كثيرا) الأحزاب:21
Dhab ahaantii waxaa idiinka sugnaaday rasuulka kudayasho wanaagsan haddaad tihiin muminiinta ka rajeyneysa Eebe khayr maalinta qiyaame Eebana xusa in badan.
Salaadda
Salaaddu waa cibaadada ugu weyn ee Alle loogu dhwaado, waana xiriirka u dhexeeya Ilaahay iyo addoonkiisa. Marka addonku salaadda xirto wuxuu la koodayaa Ilaahay lana xiriirayaa, wuxuu doonana ka baryayaa, wuxuu ka digtoon yahayna ka magan galayaa, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri;
(قال تعالى: قسمت الصلاة بيني وبين عبدي نصفين ولعبدي ما سأل فإذا قال العبد: الحمد لله رب العالمين، قال الله تعالى: حمدني عبدي. وإذا قال: الرحمن الرحيم، قال الله تعالى: أثنى عليّ عبدي. فإذا قال: مالك يوم الدين، قال الله: مجّدني عبدي وقال مرة: فوض إليّ عبدي. وإذا قال: إياك نعبد وإياك نستعين، قال: هذا بيني وبين عبدي ولعبدي ما سأل. وإذا قال: اهدنا الصراط المستقيم، صراط الذين أنعمت عليهم غير المغضوب عليهم ولا الضالين، قال: هذا لعبدي ولعبدي ما سأل) مسلم.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Salaadda waxaan u qeybiyey aniga iyo addoonkayga kala badh wixii uu addoonkayga i weydiistana waan siin.
Markuu addoonku akhriyo faataxada oo yiraahdo; mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa igu mahadiyey. Markuu yiraahdo; Eebe waa kan naxariis guud iyo mid gaarba naxariista. Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkeygii waa i amaanay. Markuu yiraahdo; Eebe waa kan hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamada). Alle kor ahaaye wuxuu oran; addoonkaygii waa i sharfay waana i tala saartay. Markuu yiraahdo; adiga uun baan ku caabudeynaa, adiga uun baan kaa kaalmo weydiisaneynaa eebow. Alle wuxuu oran tani aniga iyo adoonkayga uun bay noo dhaxaysaa addoonkeygana waaxaan siin wixii uu weydiisto. Markuu yiraahdo: Eebow nagu hanuuni jidka toosan ee xaqa ah, jidka kuwii aad u nimcaysay eedan u caroonin dhuminna. Alle wuxuu oran: Ducadaas waxaa iska leh addoonkayga.
Salaaddu waa tiirka diinta haya, qofkii salaadda oogana diintoo idil ayuu oogay, kii ka tagana diintoo idil ayuu dumiyey. Cibaado kasta waxey leedahay cudurdaar salaadda mooyee, tusaale, hadduu qofka jirrado soon lagama rabo laakiin salaad waa laga rabaa, sidoo kale hadduu miskiin yahay sako iyo xaj toonna lagama rabo laakiin salaad waa laga rabaa. Sidaa awgeed Eebe kor ahaaye wuxuu addoomadiisa wanaagsan amray iney salaadda ilaaliyaan oo eeyan marnaba dayicin, wuxuuna yiri:
(حافظوا على الصلوات والصلاة الوسطى
وقوموا لله قانتين)
البقرة: 238
Xafida (Ilaaliya) Salaadaha iyo salaadda dhexe (Casarka) una istaaga dar Eebe idinkoo si dhab ah u adeeci.
Markuu qofka si dhab ah u oogo Salaadda isagoo ilaalinaya, shuruuddeeda, waajibaadkeeda, iyo sunante-eda. Eebana u khushuuca salaadda dhexdeeda waxaa hubaal ah in salaaddaasu ku hanuuninayso xaqa kana fogeynayso xumaha oo idil. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(وأقم الصلاة إنّ الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر) العنكبوت: 45
Ooga salaadda maxaa yeelay salaaddu waxay dadka ka reebtaa xumaanta iyo xaaraanta. Alle kor ahaaye wuxuu kaloo yiri:
(قد أفلح المؤمنون الذين هم في صلاتهم خاشعون)
المؤمنون: 1ـ2
Waxaa dhab ahaan u liibaanay muminiinta, kuwaasoo ah kuwa salaaddooda dhexdeeda Eebe u khushuuca. Hadduu qofka si wanaagsan u tukado Salaadda waxay ka dhawrtaa xumaha oo idil sida; beenta, dilka, dhaca, tuugada, khyaamada, khamriga, khamaarka, dhilleysiga, iwm. Hadiise qofku ku koco dambiyadaas salaadda ka dib waxaan shaki lahayn inuu salaadda ku gabood falay waayo iimaan iyo Alle ka cabsi toonna kama helin. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee ayaa maalin xusay salaadda markaasuu yiri:
(من حافظ عليها كانت له نورا وبرهانا ونجاة يوم القيامة, ومن لم يحافظ عليها لم يكن له نور ولا برهان ولا نجاة وكان يوم القيامة مع قارون وفرعون وأبيّ بن خلف) الطبراني وابن حبان وأحمد بإسناد جيد.
Qofkii ilaaliya salaadda waxey u noqon ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qiyaamada, kiise aan ilaalin uma noqoneyso ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qyaamada wuxuuna la meel noqon; Fircoon, Haamaan iyo Ubay Ibn Khalaf.
Salaadda waxaa lagu dhaafaa dambiyada yar yar, taasi waa markuu qofku si joogto ah u tukado Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(أرأيتم لو أن نهراً بباب أحدكم يغتسل فيه كل يوم خمس مرات هل يبقى من درنه شيء ؟ قالوا: لا يبقى من درنه شيء. قال: فكذلك مثل الصلوات الخمس يمحو الله بهن الخطايا) متفق عليه.
Bal ka warrama hadduu wabi maro irridda qofkiin, kaasoo qofku ku qubeysto maalin kasta shan goor, haddaba wax wasakh ah ma ku harayaa jirkiisa? Waxey saxaabadu yiraahdeen: Maya, wax wasakh ah ku hari maayo jirkiisa. Markaasuu yiri: Sidaas oo kale weeye salaaduhu Eebe wuxuu ku dhaafaa gafafka. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yiri:
(الصلوات الخمس, والجمعة إلى الجمعة, ورمضان إلى رمضان مكفرات ما بينهن إذا اجتنبت الكبائر) مسلم.
Shanta salaadood dhexdooda iyo labo jimco inta u dhaxaysa iyo labo soonqaad inta u dhaxeysa dambiyada waa lagu dhaafaa haddii laga fogaado kuwooda waaweyn.
Salaaddu waa udub dhexaadka diinta Islaamka waayo waxey kulansatay cibaadooyin kala duwan sida; Quraanka akhrintiisa, rukuuca, sujuudda, akhrinta wardiga, khushuuca iyo qibladoo loo jeedsado. Sidaa ayey u noqotay salaaddu cibaadada ugu muhiimsan aduunka, sidoo kale ayey salaaddu tahay camalka ugu horreeya ee addoonka la xisaabo aakhrada. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(إن أول ما يحاسب به العبد يوم القيامة من عمله الصلاة, فان صلحت فقد أفلح وأنجح, وان فسدت فقد خاب وخسر, وان انتقص من فريضة قال الرب: انظروا هل لعبدي من تطوع فيكمل بها ما انتقص من الفريضة, ثم يكون سائر عمله على ذلك) الترمذي والنسائي.
Camalka ugu horreeya ee laga xisaabo addoonka maalinta qiyaame waa salaadda, haddey salaaddu hagaagto dhab ahaantii addoonkaas waa liibaaney waana guuleystay, haddiise salaaddu xumaato, dhab ahaantii addoonkaas waa hoogay waana khasaaray, hadday ka dhinnaato salaad waajib ah Alle wuxuu oran; u fiiriya addoonkeyga hadduu wax sunna ah leeyahay si loogu kabo waajibka. Markaa ka dib ayaa sidaas cibaadooyinka kalena loo xisaabiyaa.
Masaajidka
Doorka masaajidka ku leeyahay Islaamka waa mid aad u weyn, waayo wuxuu kulmiyaa muslimiinta oo idil si ay ugu cibaadeystaan uguna tukadaan salaadda jamaca, taasoo ka fadli badan midda keli kelida loo tukado Nabiguna naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(صلاة الجماعة أفضل من صلاة الفذ بسبع
وعشرين درجة)
متفق عليه.
Salaadda jamaca (Wadajirka) loo tukada waxay ka fadli badan tahay midda keli keli loo tukado todobo iyo labatan martabadood.
Muslimiinta waxey ku kulmaan masaajidka si ay ugu cibaadeystaan, halkaasoy isku salaamaan kuna kala war qaataan, markaasey kii dhibbanna u gargaaraan kii jirranna soo booqdaan. Masaajidka waa meesha diinta Islaamka laga fidiyo. Sidaa awgeed waxaa habboon in qofku ku xirnaado masaajidka suu u helo faaiido-oyinkaas siiba barashada diinta waayo qofka muslimka ahi waxaa ku waajibay inuu diinta barto si uu u kala garto xalaasha, xaaraanta, sunnada, bidcada, xaqa, iyo baadilka. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(من يُرِد الله به خيراً يفقهه في الدين) متفق عليه.
Qofkuu Alle khayr la doono diintuu fahamsiiyaa. Waxaa hubaal ah in qofka diinta barta uu Alle si dhab ah uga cabsado waayo wuxuu kala garanayaa waxa la faray iyo waxa laga reebay Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(إنما يخشى الله من عباده العلماء) فاطر: 28
Addoomada sida dhabta ah Alle uga cabsata waa culmada diinta baratay. Bilowgii Islaamka masaajidka wuxuu ahaa meesha arrimaha muslimiinta laga maamulo. Markuu qofka u socdo masaajidka ajar badan baa loo qoraa dambigiisana waa la dhaafaa, Alle wuxuu ku tilmaamey kuwa masaajidka camira muminiin.
(إنما يعمر مساجد الله من آمن بالله واليوم الأخر وأقام الصلاة وأتى الزكاة ولم يخش إلا الله فعسى أولئك ان يكونوا من المهتدين) التوبة: 18
Waxaa uun camira masaajidda cid rumeysay Eebe iyo maalinta qiyaame, salaaddana ooga, sakadana bixiya kuwaasoon ka cabsaneyn cidaan Eebe aheyn, waxayna u dhaw yihiin kuwaasi inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
Haddaba waxaa habboon in qofka muslimka ahi qalbigiisu ku xirnaado masaajidka had iyo jeer, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(إذا رأيتم الرجل يعتاد المسجد فاشهدوا له بالإيمان, قال الله عز وجل: إنما يعمر مساجد الله من أمن بالله واليوم الآخر) الترمذي.
Haddad aragtaan nin ka caada yeeshay imaatinka masaajidka uga markhaati kaca inuu mumin yahay. Waayo Allaha weyn ee awoodda leh wuxuu yiri: Waxaa uun camira masaajidda cid Eebe rumeysay iyo maalinta qiyaame. Sidaa awgeed markuu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee yimi madiina intuusan wax kale qaban ayuu masaajid dhisay isagoo marti ku ah saxaabiga Abuu ayuub Alansaari Allaha ka raali noqdee.
Salaadda yey ku waajibtaa?
Salaaddu waxay ku waajibtaa qof kasta oo muslim ah, caqli leh qaan gaarna ah. Diinta Islaamka waxay ku dhisan tahay shan tiir, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(بني الإسلام على خمس: شهادة أن لا اله إلا الله وأن محمدا رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وحج البيت وصوم رمضان) متفق عليه.
Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir:
In laga markhaati kaco inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaha koonka abuuray mooyee, Nabi Muxammadna waa ergadii uu u soo diray dadka.
In la oogo salaada.
In sakada la bixiyo.
In la guto xajka.
In la soomo bisha barakeysan ee ramadaanka.
Waajibnimada salaadda waa la adkeeyay xilligeedana lagama dibmarin karo Allah kor ahaaye wuxuu yiri:
(فإذا قضيتم الصلاة فاذكروا الله قياما وقعودا وعلى جنوبكم فإذا اطمأننتم فأقيموا الصلاة إن الصلاة كانت على المؤمنين كتاباً موقوتا) النساء: 103
Markaad gudataan salaadda xusa Eebe idinkoo taagan ama fadhiya ama jiifa markastoo aad xasishaan ood aamin noqotaan ooga salaadda, waayo salaaddu waxay muminiinta ku tahay xukun (Waajib) waqti goan leh.
Maalinta jimcaha
Jimcaha waa maalin fadli badan waayo waa ciidda muslimiinta, waa maalin ay muslimiintu ku kulmaan masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala fog si ay u dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka.
Qofka muslimka ah haduusan dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaa mirira marka xigana ka awdma kheyrka, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(لينتهين أقوام عن ودعهم الجمعات أو ليختمن الله على قلوبهم ثم ليكونن من الغافلين) مسلم.
Ragga haddii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan salaadaha jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka dabooli doonaa quluubta kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka halmaansan.
Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo ducada Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(خير يوم طلعت فيه الشمس يوم الجمعة, فيه خُلق آدم عليه السلام, وفيه أدخل الجنة, وفيه أخرج منها, ولا تقوم الساعة إلا في يوم الجمعة) مسلم وأبو داوود والنسائي والترمذي.
Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana maalintii xageeda laga soo bixiyay, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn. Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:
(يا أيها الذين أمنوا إذا نودي للصلاة من يوم الجمعة فاسعوا إلى ذكر الله وذروا البيع ذلكم خير لكم إن كنتم تعلمون) الجمعة: 9
Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce u degdega xuska Alle kana taga wax kala iibsiga saasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax garanaya.
Haddaba waxaa habboon in loo darbado jimcaha oo qofka muslimka ah uu qubeysto oo weyso qaato, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(على كل مسلم الغُسل يوم الجمعة, ويلبس من صالح ثيابه, وإن كان له طيب مس منه) أحمد والشيخان.
Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajibay inuu qubeysto maalinta jimcaha iyo inuu ku labisto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan, iyo inuu iscarfiyo hadduu heli karo.
Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la wacdiyo lana waaniyo waxaa waajib ah in la dhageysto khudbada imaamka, mana banaana in la hadlo ama la buuqo intey khudbadu socoto nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(إذا قلت لصاحبك يوم الجمعة والإمام يخطب أنصت فقد لغوت) الجماعة إلا ابن ماجة.
Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad saaxiibkaa ku tiraahdo !aamus! hadalkaagu waa mid micno darro ah.
Hadduuse qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto kadibna si xigmad leh loogu sheego.
Qofka salaadda ka taga
Marnaba salaadda lagama tegi karo, markuu qofka caafimaad qabo iyo markuu jirran yahay, markuu hanti leeyahay iyo markuu sabool yahay, markuu xooggan yahay iyo markuu tabar daran yahay, intaba salaadda waa laga doonayaa waayo salaadda waa xiriirka u dhexeeya addoonka iyo rabbigii abuuray Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(فسبح بحمد ربك وكن من الساجدين. وأعبد ربك حتى يأتيك اليقين) الحجر: 98ـ 99
Ku tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa sujuuda, caabudna Eebahaa intey yaqiinta (Geerida) kaaga timaado.
Qofkii salaadda ka taga xaalkiisu waa sidee?
Qofkii salaadda ka taga sabab laaan diinta Islaamka dibadduu ka yahay. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(بين الرجل وبين الكفر ترك الصلاة) أحمد ومسلم.
Ninka iyo gaalnimo waxaa u dhexeeya isagoo salaadda ka taga. Nabiga naxriis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yiri:
(العهد الذي بيننا وبينهم الصلاة فمن تركها فقد كفر) أحمد وأصحاب السنن.
Ballanka noo dhexeeya innaga iyo gaalada waa salaadda qofkii ka tagana waa gaal. Dhamaan asxaabta Nabiga Allaha ka raali noqdee waxay rumeysnaayeen in salaaddu tahay sheyga kaliyoo ka tegiddiisu lagu gaaloobayo!!
Maxaa dad badani sheydaan ku maaweeliyey inay salaadda oogi doonaan markay gaboobaan, nasiibdarrose eeyan geeridu ku simin.
Maxaase in badan oo islaam sheegata maanta ay salaadda dayaceen, diintana ka tageen iyagoo moodi iney quman yhiin!
Shaydaanka wuxuu dadka ugu sheekeeyaa; salaad la tukado iyo masaajid la aado inay yihiin waqti dhumis. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday kuwa sheydaanku duufsaday ee salaadda ka tagey aakhirada inuu cadaabayo, wuxuuna yiri:
(ما سلككم في سقر قالوا لم نَكُ من المصلين) المدثر: 42ـ 43
Ehlu janno ayaa suaali kuwa naarta galay iyagoo ku dhihi: Maxaa idin galiyey naarta? Markaasay ugu jawaabi ka mid ma aynaan aheyn kuwa tukada.
Ilaahay kor ahaaye markuu amaanay nabiyadii horreeyey iyo faracoodii wanaagsanaa ee loogu nimceeyey diinta iyo salaadda ayuu Eebe dhaleeceeyey kuwii ka dambeeyay ee dayacay salaadda sidaa awgeed Eebe wuxuu yiri:
(فخلف من بعدهم خلف أضاعوا الصلاة واتبعوا الشهوات فسوف يلقون غيا. إلا من تاب وأمن وعمل صالحاً فألئك يدخلون الجنة ولا يظلمون شيئا) مريم: 59-60
Waxaase ka gadaal yimi farac xun oo dayacay salaadda, raacayna waxay naftoodu jeceshahay oo xun waxeyna la kulmi shar (aakharada) laakiin ciddii toobad keentoo Alle rumeysa camal fiicanna fasha kuwaasi waxay geli jannada lagamana dulmiyo waxba. War hooy u darbada salaadda oo Alle ka cabsada, garta oo jeclaada rabigii idin abuuray ee idiin yeelay qaab iyo suurad wanaagsan, idinkana duway xoolaha iyo dugaagga duur joogta ah. Alle kor ahaaye wuxuu noogu nimceeyay nimcooyin farabadan oo aanan la koobi karayn haddiise aan tilmaano mid ka mid ah Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(يا أيها الإنسان ما غرك بربك الكريم. الذي خلقك فسواك فعدلك. في أي صورة ما شاء ركبك) الإنفطار: 6-7-8
Dadow maxaa kugu kadiyey Eebahaaga sharafta leh! Ee ah kii ku abuuray, kuna ekeeyey, kuna simay qaabkuu doonana kuu sameeyey. Haddaba addoonkii salaadda ooga, camal wanaagsanna ku camal fala, Eebana adeeca addoonkaasi wuxuu mudan adduunka nolol wanaagsan, aakhirana janno.
Addoonkiise iskibriya, xaqana ka madaxtaaga, kaasi wuxuu mudan adduunka nolol ciriiri ah, aakhirana cadaab. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(ومن أعرض عن ذكري فان له معيشة ضنكا ونحشره يوم القيامة أعمى. قال رب لمَ حشرتني أعمى وقد كنت بصيرا. قال كذلك أتتك آياتنا فنسيتها وكذلك اليوم تنسى. وكذلك نجزي من أسرف ولم يؤمن بآيات ربه ولعذاب الآخرة أشد وأبقى) طه: 124ـ 127
Qofkii ka jeedsada xuskeyga (Diinta Islaamka) waxaa u sugnaaday nolol ciriiri ah (xagga nafsadda) waxaana soo kulminaa maalinta qiyaame isagoo indha la markaasuu dhihi; Eebow maxaad iisoo kulmisay anigoo indha la anigoo adduunka arke ahaa? Alle wuxuu dhihi; sidaasoo kale ayey aayaadkannaga kuugu yimaadeen waadna halmaantay, saasaana maanta laguu halmaami. Sidaasoo kalena waan ku abaal marinaa cidii xad gudubta oon rumeyn aayaadka rabbigii cadaabka aakhiraana daran oo waaritaan dheer.
Asbaabta keenta in salaadda laga tago
1: Shaydaan iyo adduun; labadani waa sababta ugu weyn ee qofka u diida salaadda iyo camalka wanaagsan, Ilaahayna kor ahaaye waa nooga digay shaydaan iyo adduun Alle wuxuu yiri:
(يا أيها الناس إن وعد الله حق فلا تغرنكم الحياة الدنيا ولا يغرنكم بالله الغرور. إن الشيطان لكم عدوّ فاتخذوه عدوّا إنما يدعو حزبه ليكونوا من أصحاب السعير) فاطر: 5ـ 6
Dadow yabooha Eebe waa xaq ee yeyna idin dhagrin nolosha addduunyo, yuuna idinku kedin Eebe dhagarbadane. Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuu xisbigiisa ugu yeeraa uun iney kamid noqdaan kuwa geli naarta saciira.
Shaydaanka dadka qaarba waxbuu u qurxiyaa suu ooga fogeeyo diinta. Qaar wuxuu jecleysiiyaa adduun iyo xoolo taasoo uu kaga shuqliyay salaadda iyo camalka wanaagsan kuna xambaaray kibir iyo isla weyni. Qaar kalena wuxuu ku aafeeyey; ciyaar, heeso, filmaan, khamri, tuugo, iwm. Qaar kalena wuxuu ku aafeeeyay nacaybka diinta Islaamka iyo muslimiinta. Shaydaanka wuxuu fadhiyaa qalbadda suu qofka u waswaasiyo oo kheyrka ugu diido, wuxuuna dhex cararaa xididdada dhiigmareenka suu ugu xambaaro shar. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(يا أيها الناس كلوا مما في الأرض حلالاً طيباً ولا تتبعوا خطوات الشيطان إنه لكم عدوّ مبين. إنما يأمركم بالسوء والفحشاء وأن تقولوا على الله ما لا تعلمون) البقرة: 168ـ 169
Dadow cuna waxa dhulka ku sugan kiisa fiican ee xalaasha ah, hana raacina wadooyinka shaydaanka illeen cadaw dhab ah buu idiin yahaye. Wuxuu idin faraa uun xumaan iyo macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebe waxeydaan ogeyn.
2: Saaxiibka xun; saaxiibka xun wuxuu kaa shuqliyaa salaadda iyo kheyrka, Wuxuuna kuu horseedaa xumaanta, sidaa awgeed waxaa habboon inuu qofku raadsado saaxiib wanaagsan Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ummaddiisa uga digay saaxiibka xun, wuxuuna ugu dardaarmay qof walba inuu la saaxiibo saaxiib wanaagsan wuxuuna yiri:
(إنما مثل الجليس الصالح وجليس السوء كحامل المسك ونافخ الكير, فحامل المسك إما أن يحذيك وإما أن تبتاع منه وإما تجد منه ريحاً طيبة. ونافخ الكير إما أن يحرق ثيابك وإما أن تجد منه ريحاً منتنة) متفق عليه.
Qofkii la saaxiiba qof wanaagsan wuxuu la mid yahay uun qof la saaxiibay nin miski (Catar udgoon) iibiya, markaa waa inuu ama wax kaa siiyo ama aad ka iibsato ama aad ka heshid udgoon wanagsan. Qofkiise la saasxiiba qof xun wuxuu la mid yahay uun qof la saaxiibay birotume buufimo haysta, markaa waa inuu ama dharka kaa gubaa ama aad ka heshid qiiq ur xun leh.
Waxaan shaki lahayn in saaxiibtinimada iyo derisnimaduba ay sabab u yihiin in dabciga wanaagsan iyo kan xunba la kala dhaxlo sida loo yiraahdo: Deriskaaga mar ku diin, marna ku dayo, marna ka darnaw. 3: Qaadka (Jaadka); wuxuu ka mid yahay asbaabta kalliftay in qofku salaadda ka tago, inkastoo ay jiraan dad qayila oo isla markaana tukada. Qofku markuu marqaansan yahay wey ku adag tahay inuu weyso qaatoo tukado, markuu qayilo kadibna wuxuu dareemaa daal, hurdo laaan, fakar iyo walbahaar. Sidaa awgeed salaaddiisu kaamil ma aha. Qaadku waa maandooriye wuxuu waxyeelo u geystaa; maskaxda, jirka, ilkaha, diinta, anshaxa iyo nolosha qoyska. Shir cilmiyeedkii ku saabsanaa maandooriyaha (Mukhaadaraadka) ee lagu qabtay Madiinatul Munawarah sanadkii 1982. Waxay dhammaan culimada islaamka isku raaceen in qaadku ka mid yahay maandooriyaha iyo inuu xaaraan yahay. Qiyaamada waxaa qof kasta la weydiin, cimrigiisii iyo waqtigiisii wuxuu ku bixiyay cilmigiisii wuxuu ku falay, xoolihiisii meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyay iyo jirkiisii wuxuu ku qabtay.
Masuuliyadda
Qof kastoo muslim ahi waa inuu ku dadaalo diinta iyo salaadda waana inuu faro cidduu ka masuul yahay sida xaaska iyo caruurta. Nabi Ismaaciil nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa mid ehelkiisa fara salaadda iyo kheyrka Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(وكان يأمر أهله بالصلاة والزكاة وكان عند ربه مرضياً) مريم: 55
Nabi Ismaaciil wuxuu ahaa mid fara ehelkiisa salaadda iyo sakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raali yahay.
Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu amaanay ninka iyo xaaskiisa markay salaadda isugu gargaaraan, wuxuuna ku boorriyey waalidka inay caruurta salaadda baraan kuna tarbiyeeyaan, waayo aabaha iyo hooyaduba waa masuul. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ka yeelee wuxuu yiri:
(كلكم راعٍ وكلكم مسؤول عن رعيّته, الإمام راعٍ ومسؤول عن رعيّته, والرجل راعٍ في أهله ومسؤول عن رعيّته, والمرأة راعية في بيت زوجها ومسؤولة عن رعيّتها, والخادم راعٍ في مال سيده ومسؤول عن رعيّته, وكلكم راعٍ ومسؤول عن رعيّته) متفق عليه.
Dhammaantiin waxaad masuul ka tihiin wixii laydin raaciyay. Imaamka (Xaakimka) muslimiinta waa masuul waxaana la weydiin aakharada wixii la raaciyay. Ninka wuxuu masuul ka yahay ehelkiisa waana la weydiin. Haweentuna waxay masuul ka tahay guriga ninkeeda waana la weydiin. Midka shaqaalaha ah wuxuu masuul ka yahay xoolaha sayidkiisa waana la weydiin masuuliyadaas qiyaamada. Sidaas awgeed waa in qofka muslimka ahi uu dareemo masuuliyadaas, Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(يا أيها الذين أمنوا قوا أنفسكم وأهليكم ناراً وقودها الناس والحجارة عليها ملائكة غلاظ شداد لا يعصون الله ما أمرهم ويفعلون ما يؤمرون) التحريم: 6
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra naftiina iyo ehelkiinaba naar lagu shido dad iyo dhaqax, taasoy ka shaqeeyaan malaaig adadag oo daran oon marnaba Eebe ku caasineyn wuxuu farana fuliya.
Alle kor ahaaye wuxuu amray Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu ehelkiisa faro salaadda iyo inuu ku samro wuxuuna yiri:
(وأمر أهلك بالصلاة وصطبر عليها) طه: 132
Far nabiyow ehelkaaga salaadda kuna samir. Alle kor ahaaaye wuxuu kaloo yiri:
(واستعينوا بالصبر والصلاة وانها لكبيرة إلا على الخاشعين الذين يظنون أنهم ملاقوا ربهم وأنهم إليه راجعون) البقرة: 45-46
Kaalmaysta samirka iyo salaadda weyna ku adag tahay salaadda dadka kuwa Alle u khushuuca mooyee, kuwasoo rumeysan inay la kulmi Eebahood xagiisana loo celin.
Munaafiqiinta
Munaafiqiinta salaadda wey ku adag tahay, waayo Alle dartii uma tukadaan ee dadkey istustusiyaan. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
(إن المنافقين يخادعون الله وهو خادعهم وإذا قاموا إلى الصلاة قاموا كسالى يُرآءُونَ الناس ولا يَذكُرُونَ الله إلا قليلا) النساء: 142
Munaafiqiintu waxey dhagri Eebe isna wuxuu ku abaal marin dhagartooda, markay u istaagaan salaaddana waxay u istaagaan iyagoo wahsan oo istusi dadka mana xusaan Eebe wax yar mooyee. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
(أثقل الصلاة على المنافقين صلاة العشاء وصلاة الفجر, ولو يعلمون ما فيهما لأتوهما ولو حَبْوَا) متفق عليه.
Salaadda ugu adkaan badan munaafiqiinta dushooda waa salaadda cishaha iyo salaadda fajarka (Subaxa), hadday ogaan lahaayeen kheyrka iyo ajarka ku sugan wey imaan lahaayeen igagoo guurguuran.
Dadaalka salafka
Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaadda, sidaa awgeed ayuu nabiga naariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda, Anas wuxuu ka wariyay nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri:
(حُبِبَ إليّ الطيب والنساء وجعلت قرة عيني في الصلاة) أحمد والنسائي.
Waxaa layjeclaysiiyey catarka udgoon, iyo guurka haweenka, waxaana laga yeelay salaadda miday ishaydu ku qabowsato oy ku raaxaysato. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu oran jiray:
(يا بلال, أرحنا بالصلاة) أحمد.
Bilaalow noogu raaxey salaadda. Waayo bilaal wuxuu ahaa muadinka Nabiga wuuna cod wanaagsanaa. Salaadda waajibka ah ka sokowna wuxuu nabiga naxariis iyo nabag gelyo Eebe korkiisa ha yeelee ahaa mid tukada salaadaha sunanta sida salaatulleylka, Caaisha Allaha ka raali noqdee waxay tiri:
(كان النبي صلى الله عليه وسلم يقوم من الليل حتى تتفطر قدماه فقلت له: لمَ تصنع هذا وقد غفر لك ما تقدم من ذنبك وما تأخر؟ قال: أفلا أكون عبدا شكورا) متفق عليه.
Nabiga naxariis iyo nabadgelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid u istaaga salaatul leyl ilaa ay cagauhu ka dildillaacaan. Waxaan ku iri maxaad sidaa u samayn Rasuulkii Allow adigoo laguu dhaafay dambigaagii mid hore iyo mid dambeba? Markaasuu yiri: Haddaba miyaanan noqoneyn addoon Alle ku mahadiya oo ku shukriya.
Alle kor ahaaye wuxuu amaanay muminiinta Alle ka cabsatay habeenkoodana in badan cibaadeysata, Allena dambidhaaf weydiisata, Alle wuxuu yiri:
(كانوا قليلا من الليل ما يهجعون. وبالأسحار هم يستغفرون) الذاريات: 17ـ 18
Waxay ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda inta kalena cibaadeysta, waaberigana dambidhaaf Alle weydiista. Salafku waxay ahaayeen kuwo ku dadaala salaadda had iyo jeer tusaale:
Waxay ahaayeen rag hadday salaadda jamaca ka tagto isugu tacsiyeeya.
Waxay ahaayeen rag hadday jirran yihiin iyagoo garbaha la hayo masaajidka la keeno seeyan u dhaafin salaadda jamaca.
Waxay ahaayeen kuwo ku tartama safka hore.
Waxay ahaayeen rag camal kasta salaadda ka jecel. Sidaa awgeed Ilaahay kor ahaaye kitaabkiisuu ku amaanay wuxuuna yiri:
(رجال لا تلهيهم تجارة ولا بيع عن ذكر الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة يخافون يوماً تتقلب فيه القلوب والأبصار) النور: 37
Waa rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebe iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagoo ka cabsan maalinay quluubta iyo araggaba gadgaddo-omayaan (Qiyaamaha).
Sidaa awgeed salaadda, sakada, xajka, soonka, iyo dhamaan qeybaha diinta Islaaamkuba waxey u baahan yihiin rag naftooda iyo maalkooda iyo waqtigooda u hura sida salafka ummaddaan.
Kheyrka Allaha na waafajiyo.